Xafiiska Hormuudka Maamul Daadejinta ee (Champion Office) Oo Burco ku qabtay Shirkii labaad ee Hirgalinta Siyaasada Maamul Daadejinta Dawladaha Hoose + DAAWO SAWIRRO

0
960

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shir Lagu Falanqaynayo Hirgalinta Siyaasaada Maamul- Daadajinta Dawldaha Hoose oo socon doona laba maalood  ayaa maanta ka furmay Hotel City Plaza Ee Magaalada Burco, waxa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoole, Wasiir ku xigeenka Caafimada Mr. Xassan Dahir Dhimbiil, Wasiirku xigeenka Gobalada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha  Ahmed Farah Cadare. Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye , Maayirada Oodweyne, Burco, Berbera, Burco iyo Xafiiska Waxbarshada Gobolka Togdheer iyo Xafiiska Caafimadka Gobolka Todheer, Sarkaal ka socda Hayada UNDP Mr. Mohamoud Omer Hassan Madax kale oo fara badan ayaa ka soo qayb galay shirka.

KULAN HAWLEED 7

 

Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir waa madaxa barnaamijka maamul daadejinta JPLG ee oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyay sida uu ku soo bilaabmay mashruuca JPLG heerarkii uu soo maray iyo guulaha ay imika ku talaabsadeen.

KULAN HAWLEED 5

 

“Maamul daadajintu u-jeedadeedu waxa weeyaan in 5-sanno ama 10-sanadood ama 15-sanadood kadib waa inay dadweynuhu helaan hawl iyo adeeg la soo dhaweeyey, oo ay ka helaan meesha ay degen yihiin.Dadweynaha waxa u suurageli doona inay ka qeybgalaan go’aan ka gaadhista hawlaha ka dhacaya meesha ay degen yihiin ee u dhow, taasina waxay u suuragelin doontaa.taasina waxay u suurageli doonta  inay dhiirigeliyaan dawlada Hoose ee k u guuleysata inay adeeg wanaagsan siiso, ta kalena aanay sidaa ka yeelin. Dawlada Hoose iyo maayiraduna waxay yeelan doonaan masuuliyad intan ka baddan.oo ah inay adeega dadka gaadhsiiyaan.

Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi
Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoole  ayaa si balaadhan uga hadlay shirkan  waxanu yidhi “

Dawladaha  Hoosena waxa u taala inay muhiimada siiso hawshaasi maamul daadajinta, taasi waxay dawlada dhexe fursad u siin doonta sida Wasiirada inaanay toos ugu mashquulin hawlaha fulintooda, laakin ay ku mashquulaan arrimaha ka waaweyn ee ah kormeerida, hubinta iyo sida ay adeegyadu u socdaan”.Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoole, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaanu kala shaqayan doona wax kasta oo ay nooga baahdan dawlada dhexe ka caawin doona sidii ay dawladaha Hoose adeeg hufan u gaadhsiin lahaayeen dadweynaha”

KULAN HAWLEED 6

Shirkan ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Mas’uuliyiinta Magaalooyinka uu ka Socdo Mashruuca Maamul Daadejinta,Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada,Saraakiisha Hay’adaha Mashruucan kala shaqeeya Xukuumada Somaliland.

KULAN HAWLEED  2

Mohamoud Omer Hassan Oo ka Socday Hay'ada UNDP
Mohamoud Omer Hassan Oo ka Socday Hay’ada UNDP

KULAN HAWLEED 8

KULAN HAWLEED 3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here