Wejigii Kowaad Ee Shaqaaqadii Ceelka Dhabardalool oo La Soo Gaba-gabeeyay

0
976

Laascaanood (Hargeisa Press) – Ergadii nabadeynta u joogtay shaqaaqadii ka dhacday Ceelka Dhabar-dalool ee degmada Xudun ee gobolka Sool,  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ergadani waxa  ay sheegeen in wajigii koobaad ee nabada labada beelood ee dirirtu ku dhexmartay Ceelka Dhabar-dalool ay soo gaba-gabeeyeen.

Sidoo kale, ergadu waxaa ay xuseen in bilowga wejigii labaad uu u qorshaysan yahay dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaanta.

Bulshada Somaliland ayaa waxa ay ku caano maashay isu tanaasul iyo adkeynta nabadgelyada iyo xal u helistii wixii dhibaato ah.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa ah talaabo muhiim ah oo ay gaadheen gudiga nabadaynta iyo waliba Xukuumadda Somaliland oo mudo u fadhiyay Dhabar-dalool colaada labada beelood oo dad badani ku naf waayeen tiro ka badana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here