Laascaanood (HP): Wefti ka socda xukuumadda Somaliland ee ku sugnaa magaaladda Laascaanood ayaa maanta kormeer ku tegay deegaamo ka tirsan gobolka Sool gaar ahaana deegaamadda barriga gobolkaasi.
Waxaanay weftigaasi kulamo kala duwan la qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaamadii ay soo kormeereen, iyadoona ay warbixino la xidhiidha dhinaca amaanka ka dhegaysteen.
Masuuliyiintaasi ayaana bulshadda deegaamadaasi ku adkeeyay sidii ay mar walba uga shaqayn lahaayeen ilaalinta nabadgeliyadda iyo xasiloonidda deegaamadoodda.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.