Laascaanood (Hargeisa Press)- Wefti wasiiro ah oo ka socda xukuumada Somaliland ayaa maanta gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Weftigan oo hogaaminayo wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa waxaa ku wehelinayay wasiirka wasaarada horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye, Xildhibaano iyo Agaasmiyeyaal iyo masuuliyiin kale.
Waxaa weftigan duleedka magaalada kaga hortagay oo si diiran u ssoo dhaweeyay maamulka iyo masuuliyiinta gobolka Sool, Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada iyo madax kale.
Hoos ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/FrLTnoXKRF0
Hargeisa Press Desk/Laascaanood Office.