Wefti ka socda Warbaahinta Al-Carabiya oo booqday Dekedda Berbera

0
1130

Berbera (Hargeisa Press)- Wefti ballaadhan oo ka socda Warbaahinta caalamiga ah ee Al-Carabiya oo mudooyinkan ku sugnaa dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Weftigan, ayaa markii ay gaadheen halkaasi, waxaa xafiiskiisa ku qaabiley Badhasaabka gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi.

Badhasaabka, ayaa wefiga uga warbixiyay magaalada Berbera iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda.

Waxaanu badhasaabku u sheegay weftiga in magaalada Berbera ay tahay meel ay isha caalamku wada hayso, maadaama ay tahay marin caalami ah oo qiimo weyn ugu fadhida mandaqada.

Dhinaca kale, weftigan ka socda Warbaahinta Al-Carabiya, ayaa waxaa ay booqdeen dekedda caalamiga ah ee Berbera.

Waxaana wefiga dekedda ku soo dhaweeyay Maareeyaha guud ee dekeddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi.

Maareeyaha, ayaa weftiga uga warbixiyay shaqada baaxada leh ee ka socota dekedda Berbera, isagoona soo tusay dekedda iyo shaqada ka socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here