Wefti ka socda Congress-ka Mareykanka oo soo Gaadhay Somaliland

0
3396

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wefti balaadhan oo ka socda Aqalka Sare ee Mareykanka (US Congressional Staff), ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa weftiga garoonka diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha debedda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Safarkan xograadinta ah ee xilligii ku habboonaa yimi, waxa isku dubbaridey Urrurada American Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI).

Waxana soo qabanqaabiyey safarka Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka ee Redsea Cultural Foundation (RCF).

Waxaa goobta ku sugnaa oo horkacayay Weftiga Dr. Al Khalafalla, oo ka socdey HDI, iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here