Dibad-baxyo ka socda Nairobi iyo Wararkii u dambeeyay

0
641

Nairobi (Hargeisa Press)- Dibad-baxayaal badan oo Kenyan ah, ayaa maanta oo Salaasa ah isugu soo baxay bannaanka baarlamanka si ay uga mudaaharaadaan kordhinta cashuuraha muranka dhaliyay, iyadoo booliska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmaysiisa, islamarkaana ay xidheen saddex qof.

Dalkan Bariga Afrika ugu dhaqaalaha badan, ayaa la daalaa dhacayay xasarado dhanka nolosha ah, iyada oo kuwa dowladda dhaliila ay sheegayaan in ay ka sii dari doonto haddii la hir-geliyo cashuur kordhinta la soo jeediyay.

Dowladda oo lacag la’aan ay hayso, ayaa difaacday tallaabada oo la filayo in ay soo xarayso 346.7 bilyan oo shilling una dhiganta ($2.7 bilyan) kuna sheegtay mid lagama maarmaan ah, si loo yareeyo ku tiirsanaanta daymaha dibedda.

Dibadbaxa oo loogu magac daray “Qabsashada Baarlamanka” ayaa kuwa abaabulaya waxa ay baraha bulshada ku faafiyeen taleefonada xildhibaanada, iyaga oo dadka ku boorinaya in ay ku qarqaan wicitaan iyo farriin qoraaleedyo, si looga laabto sharciga cashuur kordhinta.

Qodobada ugu muranka badan sharciga waxaa ka mid ah cashuurta baabuurta, oo noqon doonta 2.5 boqolkiiba qiimaha gaadhiga, iyo soo celinta cashuurta rootiga.

Falanqeeyayaasha, ayaa sheegaya in inkasta oo cashuurtu ay dhaawici karto dhaqaalaha, haddana sharcigan la filayo in uu meelmaro sababo la xidhiidha aqlabiyadda baarlamaanka ee xisbiga Madaxweyne William Ruto.

Iyadoo uu jiro khilaaf sii kordhaya oo kala dhaxeeya xubno sare, Ruto ayaa ku baaqay kulan uu xildhibaanadiisa la qaato si ay u taageeraan sharciga ka hor doodda baarlamaanka oo billaabanaysa galabnimada Salaasada.

Baarlamaanku waa inuu meel mariyo nuqulka ugu dambeeya ee hindise sharciyeedka ka hor 30-ka June.

Ruto,  ayaa xukunka ku yimid 2022 ballan-qaad ah in uu dib u soo noolayn doono dhaqaalaha, islamarkaana uu lacag ku shubi doono jeebabka danyarta, hase yeeshee siyaasadihiisa ayaa dhaliyay qanacsanaan la’aan baahsan.

Waxa uu sare u qaaday cashuurta dakhliga shacabka, iyo lacagta qofka laga doonayo si uu u helo caymiska caafimaadka, isaga oo sidoo kalena laba laabay cashuurta shidaalka oo uu ka dhigay 16%

Cashuur kordhintii sanadkii tagay, ayaa horseeday dibadbaxyo ay dhigeen mucaaradka, oo qaarkood isu beddelay isku dhacyo dhaliyay dhimasho oo dhex-maray mudaharaadeyaasha iyo booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here