Wefti ka kooban Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda oo gaadhay Balli-gubadle

0
850

Balli-gubadle (Hargeisa Press)- Wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo safar shaqo ku gaadhay deegaammo kamid ah gobolka Hawd, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Balli-gubadle iyo Gumburaha.

Weftigan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, islamarkaana ay xubno ka yihiin ku-xigeenka koowaad, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka afraad, ahna wasiirka ganacsiga iyo wershedaha, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), xoghayaha guud ee xisbiga, Faysal Cabdiraxmaan Madar, xoghayaha garabka haweenka heer qaran, Marwo Sahra Saleebaan Cawil, saraakiil katirsan guddida fulinta xibsiga kulmiye, xubno kale oo wasiirro ah, madaxda gobolka Hawd ee xisbiga iyo xukuumadda iyo saraakiil kale, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey degmooyinka Gumburaha iyo Balli-gubadle, waxana si xamaasad leh ku qaabilay taageerayaal tiro badan oo caleemo qoyan iyo calanka xisbiga KULMIYE lulaya.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo xamaasad badani ka muuqato, ayaa weftiga kaga horyimi duleedka magaalada Balli-gubadle, waxana ay u gelbiyeen goob fagaare ah oo ay kala hadleen dadweynihii soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo bulshada reer Balligubadle la hadlay, ayaa uga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen.

Waxana ay ugu bushaareeyeen in xukuumaddu dhammaystiri doonto waddada Hargeysa ilaa Balligubadle oo haatan meel wanaagsan maraysa, islamarkaana guud ahaanba gobolka Hawd laga hirgeliyey mashaariic waaweyn.

Xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo madaxda xukuumadda u qaabilsan gobolka Hawd, ayaa iyaguna dhankooda ka mahadnaqay soo dhaweynta loo sameeyey weftiga, waxana bulshada u caddeeyeen in xukuumaddu sii wadi doonto dedaalka horumarineed ee ay gobolka ka waddo.

Cuqaal, haween, dhalllinyaro, Abwaanno iyo aqoon yahan kasoo jeeda gobolka Hawd oo goobta ka hadlay, ayaa xukuumadda ku ammaanay waxqabadka ay gobolka ka hirgelisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay bulshada reer Hawd codkooda la garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE.

Waxaa dhinaca kale madasha lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Cabdikariin Cabdiraxmaan Madar oo kamid ah golaha deegaanka degmada Balli-gubadle, kaas oo ka soo baxay xisbiga UCID, kuna soo biiray xisbul xaakimka KULMIYE, waxana xisbiga ku soo dhaweeyey hoggaanka xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here