Wefti Heer Qaran Ah Oo Komishanka Doorashadu Hogaaminayo Oo U Ambabaxay Gobolada Sool iyo Sanaag Bari

0
937

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddi heer qaran ah oo guddida komishanka doorashooyinka Somaliland hogaaminayo ayaa u ambabaxay gobolada Sool iyo Sanaag bari, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay guddida doorashada ee Somaliland.

Ujeedka Weftigan ayaa lagu sheegay soo qiimaynta xaaladdaha dhinaca ammaanka iyo siday suuro gal uga tahay deggaannada bari in laga sameeyo diwaangalinta codbixiyeyaasha Somaliland.

Nuxurka Qoraalka Komishanka

 

WAR-SAXAAFADEED

 

Date: 04/08/2015

Ujeedo; Komishanka Doorashooyinka Qaranak oo Kormeer shaqo

ugu ambabaxay Gobalada Bariga Somaliland.

Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Waftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame

Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada amaan ee deegaamadaas.

Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:

  1. Gudida Komishanka Qaranka.
  2. Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.
  3. Wasaarada gaashaandhiga.
  4. Wasaarada arimaha gudaha.
  5. Golaha guurtida.
  6. Golaha wakiilada.

 

 

Allaa mahad leh

Komishaneer:  

Saciid  Cali Muuse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here