Weerar Culus oo Lagu Qaaday Gobolka Canfarta iyo Dad Ku Dhintay

0
1181

Semera (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa ay sheegayaan in weerar culusi uu halkaasi ka dhacay.

Waxaa lagu soo waramayaa in weerarkan lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalkaasi Itoobiya.

Sidoo kale, waxaa lagu soo waramayaa in weerarkan ay ku dhinteen tiro dad ah, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda Itoobiya.

Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray, ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo ka soo gaadhay weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta, ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka , inkasta oo TPLF ayna ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.

Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad ka soo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray, ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here