Dowladda Faransiiska oo Somaliland Ugu Deeqday Shixnad Tallaalka Covid-19 Ah

0
1748

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa waxa ay ku qaabishay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa shixnadii 3aad ee tallaalka Covid-19 oo ka kooban 30,000 oo tallaal ah.

Shixnadan tallaalka Covid-19, ayaa waxaa Somaliland ugu deeqay Dowladda Faransiiska iyada oo soo dhex maraysa Sanduuqa Caalamiga ah ee COVAX.

Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso cid walba oo ka qayb qaatay helista tallaalka oo ay ugu horrayso dowladda Faransiiska iyo sanduuqa COVAX.

Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka, ayaa u mahadcelinaysay dhamaan hay’addaha caalamiga ah gaar ahaan hay’addaha WHO iyo UNICEF oo kaalin mug leh ku leh helista tallaalka iyo fulinta ololaha tallaalkaba.

Xafladda la wareegista tallaalka, waxa ka hadlay saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijiyay in ka wasaarad ahaan ay ka go’antahay ka hortagga xanuunkan aafada caalamiga ah iyada oo ku daadaalysa kor-u-qaadista wacyigalinta, baadhista iyo daawaynta dadka xanuunka usoo dhaca iyo helista tallaalka fayraska.

Geesta kale, waxaa xaflada ka hadlay saraakiil sare oo ka tirsan Hay’addaha WHO iyo UNICEF, oo ah iskaatashatada ugu wayn ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee dhinaca tallaalka iyo gurmadka degdegga ah, waxa ayna ku dheeraadeen muhiimmada uu tallaalku u leeyahay ka hortagga Fayraska Korona.

Waxaanay ugu mahadceliyay Wasaaradda horrumarinta Caafimaadka Somaliland qaabka xirfadaysan ee ay u fulisay ololihii hore ee tallaalka Covid-19.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here