Waxka Ogow Xildhibaannada Dalka Ingiriiska Ee U Ololaynaya Ictiraafka Somaliland

0
2718

London (Hargeisa Press)- Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa saddex maalmood ka hor baarlamaanka dalkiisa hor geeyay sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, iyada oo hadafku yahay in meesha laga saaro caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ah ee ku horgudbanaa muddo badan aqoonsiga Somaliland.

Waa Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative ee laga soo doorto South Staffordshire wuxuuna xildhibaan ahaa ilaa bishii March 2010.

Waxaa uu sheegay xildhibaan Gavin in Somaliland ay wax badan oo horumar ah gaadhay muddadii ay aqoonsiga raadineysay.

William waxaa sidoo kale sharcigan la riixaya Xildhibaano gaadhaya ilaa 10 waxaana kala yihiin:-

Ian Paisley

Waa Xildhibaanka Xisbiga Midowga Dimuqraadiga ee laga soo doorto Waqooyiga Antrim, wuxuu si joogto ah xildhibaan u ahaa tan iyo 6-dii May 2010.

Lan, ayaa sidoo kale ah Afhayeenka xisbiga ee dhanka Dhaqanka, Warbaahinta, Isboortiga, Bulshooyinka iyo Dowladda Hoose.

Waxaa uu ku dhashay magaalada Belfast ee ku taalla Ireland 12 Diseembar 1966, da’diisuna waa 56.

Kim Johnson

Waa xildhibaanad ka tirsan xisbiga shaqaalaha lagana soo doorto magaalada Liverpool, waxayna xildhibaan aheyd tan iyo 12 Diseembar 2019. Waxay dhalatay 25 August 1966.

Kim waxay hore u ahayd sarkaal ka shaqeeya horumarinta bulshada, ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka. Waxay shahaadada Dibloomada ka haysataa Shaqada Dhalinyarada iyo Bulshada.

Alexander Paul Thomas Stafford

Wuxuu dhashay 19 July 1987, xubin ka tisan baarlamaanka UK. Waxaa laga soo doortay magaalada Rother Valley, wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2019-ka.

Alexander Paul Thomas waa muxaafidkii ugu horeeyay ee loo doorto kursiga.

Sidoo kale waxaa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga muxaafadka ee dhinaca siyaasadda ilaa bishii Sebtembar 2022.

Wuxuu dhashay 1987, Alex Stafford wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Oxford, isagoo hore uga soo shaqeeyay qeybta isgaadhsiinta ee Shell, iyo World Wide Fund for Nature (WWF) ka hor inta aan loo dooran baarlamaanka.

Paul Christopher Blomfield

Waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo laga soo doorto badhtamaha Sheffield tan iyo 2010. Sanaddii 2022-ka, Blomfield oo hadda ku dhow da’da toddobaatan jir, ayaa ku dhawaaqay inuu qorsheynayo inuu howlgab ka noqdo xubinimada baarlmaanka ee Westminster marka la gaadho doorashada guud ee soo socota.

Waxaa uu ku soo wax bartay Jaamacadda New York St John, Paul Blomfield, ayaa ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee UK.

Alec Edward Shelbrooke

Wuxuu dhashay 10-ka January 1976, waa siyaasi muxaafid ah oo xubin ka ah baarlamaanka UK lagana soo doortay magaalada Elmet iyo Rothwell. Alec Shelbrooke ayaa xildhibaan ahaa tan iyo 2010.

John Francis Spellar

Wuxuu dhashey 5-tii Augost 1947, waa siyaasi Ingiriis ah oo xubin ka ah baarlamaanka UK lagana soo doorto magaalada Warley, John Francis Spellar ayaa xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 1992. Waa Xubin ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha, wuxuu hore u matalay magaalada Birmingham Northfield sanaddii 1982 ilaa 1983.

Alun Hugh Cairns

Alun Hugh Cairns wuxuu dhashay 30 July 1970 waa siyaasiga xisbiga Conservative Party ee baarlamaanka UK ku metela Vale of Glamorgan. Wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo 2010.

Dr Lisa Cameron

Waa Xildhibaanad ka tirsan Xisbiga Waddani ee Iskotishka ee laga soo doortay Bariga Kilbride, Strathaven iyo Lesmahagow, waxayna si joogto ah xildhibaan u ahayd ilaa 7dii March 2015. Waxay dhalatay 8 Abriil 1972.

Rt Sir Robert Buckland

Waa Xubin ka tirsan Xisbiga muxaafadka, waa Xildhibaan laga soo doorto South Swindon wuxuuna xildhibaan yahay tan 2010. Buckland waxa uu ahaa Qareenka Guud ee England iyo Wales laga bilaabo 2014 ilaa 2019 iyo Wasiiru Dawlaha Xabsiyada laga bilaabo March ilaa July 2019.

Clive James Charles Betts

Wuxuu dhashay 13 January 1950 waa siyaasi ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska waana dhaqaaleyahan hore. Sidoo kale Waa Guddoomiyaha Sanduuqa Xubnaha Aqalka Hoose.

Waa xubin baarlamaan oo laga soo doorta Sheffield South East ilaa 2010 isagoo hore u matalay deegaanka Sheffield Attercliffe intii u dhaxeysay1992 ilaa 2010.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here