Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Dabkii Suuqa Jigjiga iyo Arrimaha Doorashooyinka

0
1788

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyay munaasibad uu ku dhagax-dhiggayay dib u dhiska Suuqii gubtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu ka hadlay masiibada dabkii xalay ka kacay Suuqa weyn ee magaalada Jigjiga iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi, ayaa ugu horayn guul ku tilmaamay in qaranku isku duubni kaga soo kabanayo masiibadii Waaheen ku habsatay, sidii uu hore u sheegayna suuqu dib u dhismi doono.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqaalaha suuqan casriga ah lagu dhisayo inteeda badani ka timi shacabka iyo dawladda reer Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa madasha ka sheegay inay shacab iyo xukuumadba la dareen yihiin shacabka Dowlad Deegaanka iyo Dowladdoodaba masiibada dabkii ka kacay Suuqa magaalada Jigjiga.

Waxana uu isla saakaba Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha ismaamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, isaga oo u caddeeyey inay ka xukuumad ahaan masiibada dabka Jigjiga wax kasta oo karaankooda ah kaga qayb-qaadan doonaan oo aanay jirin wax ay ka hagranayaan., Waxana uu u diray guddi ka kooban wasiirrada wasaarada Warfaafinta, Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu khudbadiisa kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoona ku dhawaaqay in bishan wixii ka danbeeya la qaban doono doorashooyinkii mudaba la sugayay.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dadka waayeelka ah iyo culimadu ka howlgalaan sidii doorashadu ugu qabsoomi lahayd si anshax iyo asluub leh, oo anay u sababi lahayn kala fogaansho iyo qabyaalad.

Madaxweyne Biixi, ma sheegin ta ay tahay doorashada hada dhacaysa, ee soo horaynaysa, madaama oo xukuumadu ay hore u rabtay in doorashada ururadu soo horayso, halka mucaaradkuna ay rabeen in doorashada madaxtooyadu hor qabsoonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here