“Waxaynu u wada baahan nahay in la ilaaliyo xuquuqda bini’aadamka waana”…

0
482

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga qayb galay munaasibad lagu xusayey maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda aadamaha.

Munaasibadda lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xuquuqal aadanaha adduunka waxaa soo qaban qaabiyeen komishanka xuquuqul insaanka qaranka Somaliland.
Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland, madax ka socotay haayaddaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo weliba saraakiil ka tirsan xisbiyada siyaasada Somaliland.
Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa sheegay in wasaaradiisa iyo komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka ay wada shaqayn ka dhaxayso.

Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, waxa uu xusay in dhamaanteenba aynu u wada baahan nahay in la ilaaliyo xuquuqda bini’aadamka, isla markaana ay tahay wax ILLAAHAY SWT ina faray oo diinteena islaamku inoo sheegtay.
Wasiirku waxa uu intaas raaciyay in diinteena islaamku ay qofka shaqsiga ah iyo bulshadaba cadaysay mid walba xaqiisa, iyo in dadku ay siman yihiin in ay cadaalad kala helaan dhexdoodda.

Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu sheegay in si wada jira aan uga wada qayb qaadano in aynu ilaalino qof walba xuquuqdiisa, gaar ahaana dadka nugul ee aan dacwoon karaynin ee aan gaadhsiin karaynin meelaha sare, in aynu inagu u gaadhsiino.

DAAWO: Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here