Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa ka qayb galay kulan bulsho oo ay maanta magaaladda Laascaanood ku qabatay dalladda ururadda aan dawliga ahayn ee SONSAF.
Kulankaasi oo ku saabsanaa is-dhex galka iskaashatooyinka, ayaa loo qabtay xubno ka socday golaha deegaanka degmadda Taleex, ee gobolka Xaysimo iyo sidoo kale ururadda bulshadda rayidka ah ee degmadaasi.
Waxaana kulankaasi ka qayb galay wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland maamulka gobolka Sool saraakiil ka socday dalladda SONSAF iyo sidoo kale xubnaha golaha degaanka iyo bulshadda degmadda Taleex ee gobolka Xaysimo.
Badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo hadal ka jeediyay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in kulankaasi uu yahay dood wadaag u socda bulshadda degmadda Taleex, kaasoo ah sidii loo qiimayn lahaa doorashooyinkii wixii ka qabsoomay iyo wixii aan ka qabsoomin.
Waxaanu badhasaabka Sool u mahad celiyay xildhibaanadda golaha deegaanka Taleex, iyo bulshadda magaaladda Taleex ka soo jeedda ee kulankaasi loo qabtay, oo uu ku jiro duqa degmadda Taleex.
Geesta kale C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa u mahad celiyay haayadda SONSAF oo uu sheegay in ay ka shaqaynayso gobolka Sool, iyo goboladda ku xeeran ee barriga.
Waxaanu badhasaabku SONSAF si gaara ugu bogaadiyay in ay sanadkan iyo sanadaha soo socda ba u soo tafo-xayteen in ay ka shaqeeyaan gobolka Soool, isagoona xusay in ay ku soo dhawaynayaan in SONSAF ay ka shaqayso Sool.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.