Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ayaa bulshadda ku booriyay inay ilaashadaan amaanka wadanka.
Waxaanu sheegay wasiirku in wax kastaba laga horaysiiyo muhiimadda nabad-geliyadu leedahay, isla markaana wixii amaanka lidi ku ah in meel looga soo wada jeedsado.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad soo dhawayn ah oo loo sameeyay xoghayaha guud ee cusub ee xisbiga Kulmiye, oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa.
DAAWO: Hadalkii Wasiir Maxamed Xaaji Aadan:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.