“ Ku xigeenimo ( Deputy position) sideedaba wa xil aad loo liido oo qofka hayaana duruufo badan oo aan lala fahmi karin ku gadaaman yahiin, waa xil u bahaan Samir, Dulqaad, Adkaysi iyo odaynimo xad dhaaf ah.
Ninka ku shaqeeya, ee ka lib keena ku xigeenimada Somaliland wa nin adag oo fahamkiisa dawladnimo aad u sareeyo.
Waxaan qoraalkan Kobaan igu dhaliyay Madaxaayne ku xigeenka Jamhuuriyadda somaliland Mudane Amb Maxamed Ali oo reer somaliland bilowgii dawladda cusub ka wabinayeen ama saluug ka muujiyeen hab muqaalkiisa siyaasadeed ayaa hada u muuqda shaqsiyadda ugu saamaynta badan dawladda cusub.
Waxa ka muuqda astaamaha hogaamiye dacad ah, wadani ah, go’an qadasho fican, karti iyo awood fulineed intaba koobsaday.
Waxa uu mudo kooban isaga iyo waftiga uu hogaaminayaa ka midho dhaliyeen mashruuca ugu wayn ee dawladda cusub oo ah Qaramaynta naf hurayaasha Ciidamadamada madaniga ah ee goboladda bariga Jamhuuriyadda somaliland.
Waxa uu mudanyahay Hambalyo aan masuug lahayn”.
Waxaa qoray Wasiir ku Xigeenkii hore ee Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.