“Waxaa la igu yidhi Buurta Gacan-libaax kaga dhawaaq Urur islaamiya…”

0
777

Burco (HP): Odayaal, madax dhaqameed, iyo waxgarad maanta magaaladda Burco shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka hadlay afduub ay sheegeen in loo gaystay wiil dhalinyarro ah.

Wiilkan dhalinyarada ah oo isaga laftiisu halkaa ka hadlay ayaa sheegay in saaka xili uu gurigiisa ka soo baxay afduub lagula kacay.

Wiilkan oo magaciisa la yidhaahdo Axmed Siciid Axmed, ayaa sheegay in niman baabuur watay inta ay afduubteen kadibna ay ku amreen inuu urur islaami ah kaga dhawaaqo buurta Gacan-libaax.

Madax dhaqameedkii, iyo odayaashii shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay wax ka qabato falka wiilkaasi lagu la kacay.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Madax Dhaqameedka Burco:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here