Hargeysa (Hargeisa Press)- Xisbiga KULMIYE ayaa Shaaciyay shuruudaha looga baahan yahay xubnaha u tartamaya jagada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku Xigeenka labaad Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, ayaa waxa lagu wargaliyay Xubnaha u taagan jagada guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga Xisbiga in qabashada codsiyadu ay bilaamayso 13 bishan isla markaana ay xidhmayso 16 Bishan.
Wargalintan loo diray Xubnaha u sharaxan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ay u dhignayd sidan:-
“Ogaysiis ku socda Xubnaha Golaha Dhexe ee u Tartamaya Jagada Guddoomiye ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga.
Mudanayaal,
Maadaama oo lagu tartamayn Guddoomiyaha Xisbiga oo loo raacayo Xeerka Xisbiga ee toos u buuxinayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga.
Hadaba waxaa laga doonaya Xubnaha Golaha Dhexe ee raba inay u tartamaan guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga in ay buuxiyaan shuruudahan hoos ku xusan:-
- In uu yahay Xubin Gole Dhexe ka mid ah kaadhkiisana keeno.
- Inuu keeno Cv-giisa
- In uu bixiyo $10,000 (Toban kun oo doolar) oo aan celis lahayn kuna shubo, Xisaabaha Xisbiga ee kala ah.
Xisaabta baanka dhexe =4564
Zaad=4093555
Waxay bilaamaysaa qabashada codsiyadu 13.08.2023, waxayna xidhmaysaa 16.08.2023 waxaana lagu soo hagaajinayaa Xafiiska Xoghaynta Xisbiga.