Tog-Wajaale (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha degmadda Tog-wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa ka hadlay dhibaatadda waayadan danbe ka taagan magaaladaasi ee la xidhiidha khal-khalka ku yimid sarifka lacagaha iyo way kala iibsiga ganacsiga.
Taasoo dhibaatadda ka dhalatay ay saamayn ku yeelatay suuqa ganacsiga iyo wax kala iibsiga magaaladda Wajaale, iyo isku socodka baayac-mushtarka Itoobiya iyo Somaliland.
Guddoomiyaha magaaladda Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, ayaa sheegay in arrintaasi ay sababtay kadib markii dalka Itoobiya laga waayay lacagta dollarka, isla markaana ganacsatadda Itoobiyaanka ah ee wax ka iibsadda magaaladda Tog-Wajaale, ay lacagta dollarka ah u soo doonteen Wajaale.
Iyadoona hanaanka isku bedelka lacagaha qalaad ama sarifka dollarka iyo Birrta ay khal-khal ku keentay suuqa wax kala iibsiga magaaladda Wajaale, kaasoo sababay in ay xidhmaan meherado badan oo ganacsi, kadib markii ay is waafiqi waayeen qiimaha bagaashka ay ku iibinayaan, iyo qiimaha lacagta dollarka ah lagu sarifayo, kaasoo ay ganacsatadu u arkeen inuu khasaare ku keenayo.
Magaallo ganacsiyeedka Tog-wajaale, oo muhiim u ah isku xidhka isku socodka gamacsiga Somaliland iyo Itoobiya, ayaa dhawrkii bilood ee ina dhaafay waxa ka taagnay dhibaatadaasi ka dhalatay sarifka lacagaha, taasoo saamaysay suuqa ganacsiga iyo wax kala iibsiga magaaladaasi.
Guddoomiyaha C/raxmaan Yuusuf Maxamed, oo u waramay wargeyska DAWAN ayaa ka warbixiyay waxa sababay khal-khalkaasi ku yimid sarifka lacagaha iyo saamaynta ay arrintaasi ku keentay ganacsiga.
“Ganacsiga Wajaale, iyo isku gudubka ganacsatadda Ethiopia, iyo sarifka lacagaha way jirtaa oo dhibaato way ka taagan tahay, waana run. Waxa sababay na, wax aynu inagu kaantaroolayno maaha. Ethiopia, waatan ay hawluhu ka dhaceen, markaa lacagtii dollarka ayaa Ethiopia laga waayay. Markii dollarkii Ethiopia laga waayayna waxay noqotay in Wajaale doolar loo soo doonto.
Ganacsato waaweyn ayay Itoobiya leedahay, oo Jabuuti wax kala soo dega, oo shirkado waaweyn ah, markaa waxay noqotay in Wajaale dollar loo soo doonto.
Ganacsadihii Itoobiyaanka ahaa wuxuu wataa lacag badan oo Birr ah, waxa kaloo jirta in ganacsato kale oo aan Wajaale ba wax ka iibsanin, oo lacag fara badan oo Birr ah sitaa, uu yimaado Wajaale, dabadeed na suuqii habeenkii afar qolo ayaa ku kulmaya, oo kala ah ganacsadihii oo meheradiisii lacag Birr ah wax lagaga iibsaday, iyo nin kaloo lacag cadaan ah sita, oo dollar uun doonaya, oo xaggaa daanta Itoobiya ee Wajaale joogga, iyo gamacsatadeenii Khudradda oo dollar doonaysa, iyo kuwii Qaadka oo iyagna dollar doonaya, dhamaantood na Birr ayay wada sitaan.
“Markaa culays ayaa imanaya, mar kastoo waxa baahidiisu ay badata na, dalabaadkiisa ayaa bata. Markii hore dollarka iyo Birrta Itoobiya inooga iman jirtay ayaa la isku miisaami jiray, tii ayaana meesha ka baxday, taasi ayaana keentay culayska iyo dhibaatadda” ayuu yidhi guddoomiyaha magaalada Wajaale.
Geesta kale, guddoomiyaha magaaladda Wajaale C/raxmaan Yuusuf Maxamed, waxa aanu wax ka waydiinay waxyaabaha uu ka qabtay degmadda Wajaale mudadda uu xilka hayay, ee dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, biyaha, dhismaha waddooyinka, hanaanka maamul ee degmadda, iyo arrimo kale.
Waxaanu sheegay in markii uu xilka la wareegay in lagu wareejiyay lacag dayn ahayd oo aad u fara badnayd, isla markaana aanu jirin wax gaadiid ah oo ay dawladda hoose ee Wajaale ku shaqayso.
“Markii aan xafiiska imid waxaan la wareegay Dayn fara badan. Mana jirin gaadiid ay dawladda hoose leedahay oo ay ku shaqayso. Waxaanan dalbaday Cagaf Grader ah, iyo gaadhi Iska-rogo ah, waanan soo iibiyay, lacagtii daynta ahayd ee la igu wareejiyay na waan bixiyay. Cusbitaalku wuu shaqaynayaa. Qaliinkii 16aad ayaa lagu sameeyay, oo hooyada iyo ilmaha la kala bad-baadiyay. Nin dhakhtar ah oo dalka Rwanda u dhashay ayaan keenay, mushaharkii badhna dawladda hoose ee Wajaale ayaa bixisa, qayb na dhaqaalaha uu soo saarro cusbitaalku ayaa laga bixiyaa” ayuu yidhi guddoomiyaha Wajaale.
C/raxmaan Yuusuf Maxamed, waxa kaloo uu sheega inuu wax ka qabtay dhinaca waxbarashadda degmadda, isla markaana ay sanadkii hore waxbarashadda jaamacadxa ka bixiyeen lix ka mid ah ardayda dhamaysatay waxbarashadda dugsiga sare, halka sanadkana ay ka bixiyeen laba arday. Taasoo keentay in ay aad u korodhay tirada sanadkan ka baxay dugsiga sare oo dhamayd 72 arday.
Hanaanka maamulka degmadda ayuu sidoo kale sheegay inay wax ka qabteen, iyadoo markii uu xilka wareegayay xafiiska dawladda hoose ee Wajaale uu yaalay hal xabo oo Computer ah, balse ay imika jiraan 11 xafiis oo ay yaalaan 11 Copmute, ayna ka hawl galaan shaqaale tababaran.
Waxa kaloo uu guddoomiyuhu sheegay in meelaha uu wax ka qabtay ay ka mid yihiin waddooyin kala duwan oo la dhigay Carro- kaawo, iyo jid Cobel stone ah oo magaaladda laga hirgeliyay, dhismaha Sarriibadda magaaladda oo la dhisay, Godka qashinka oo meel cusubnoo magaaladda ka durugsan loo raray. Waxa kaloo uu xusay inuu nidaamiyay hanaanka cashuur qaadista Liisamadda ganacsatadda oo markii hore aan fadhiyin, balse ay imika u dejiyaan qaab casri ah oo fudud, isla markaana aan dhibaato ku ahayn ganacsatadda.
Dhinaca kale, C/raxmaan Yuusuf Maxamed, mar uu ka hadlayay waxa ugu muhiimsan ee u qorshaysan inuu wax ka qabto waxa uu sheegay in uu yahay hirgelinta dhismaha dugsiga farsamadda gacanta ee magaaladda Tog-Wajaale.
“Waxa ugu weyn ee hadda ii qorshaysan in aan wax ka qabto, waa hirgelinta dugsiga farsamadda gacanta. Dhulkii laga dhisayay, iyo qorshihiiba waan hayaa, dhaqaalaha lagu dhisayo ayaan imika doonayaa, inaan shakhsi kasta, iyo urur kasta, iyo ganacsatadda, in aan u bandhigo, iyo cid kastoo reer Wajaale ah, sidii la iskaga kaashan lahaa, iyo guud ahaanba gobolka Gabiley, waana muhiim hirgelinga dugsigaasi farsamadda gacanta.
Waxaanan doonayaa inuu dugsigaasi noqdo sidii kii Burco, oo ardayga ka sko baxaa uu toos uun u shaqo gallo, taasaa imika u weyn waxa ii qorshaysan im dhaqaalihii lagu dhisi lahaa aan raadiyo” ayuu yidhi guddoomiyaha Wajaale.