Tixraac maqaal lagu baahiyay Website lagu magacaabo Somaliland One kaasoo Ciwaan looga dhigay ama (Bud-dhig) SIR CULUS BEESHA CIISE MUUSE OO NOQOTAY BEESHA KELIYA EE BEELAHA SOMALILAND DEGA LEH MALEESHIYO BEELEED KUSUGAN BERBERA AGTEEDA qoraalkaas oo lagu sheegay in ciidankaasi joogaan meel (TUULO) layidhaahdo DAMAAN oo kamida tuuloyinka ku teedsan Berbera ciidankaas halkaas lagu sheegay oo layidhi waa ciidan Ciise Muuse ah sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in Ciidankaas laga maalgeliyo hantida umada gaar ahaan Haamaha & Dekeda (Cajiib) qoraalkan aan lahayn xigmada badan ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidankaas maleeshiyada ah loo sameeyay Danaha gaarka ah ee Ciise Muuse si ay uga hor tagaan cid kastoo aan ahayn iyaga, sidoo kalena waxay ciidan beeleedkaasi weerar gaadmo ah ku qaadeen Deked laga samaynayo Ceel-gardi iyagoo mar horena Booyad shidaal sida ugalay jidka hargeisa & berbera waa siday udhigeen hadalkee
Hadaba ahaadan bal si kooban isu dul taagno qoraalkaas Mixnadaysan ee xajiimaysan, (A) Tuulada DAMAANI uma dhaxayso Geel-lookor & Laalays balse waa tuulooyinka cidhifka bada raacsan mana aha meesha lagu asteeyay (B) ma jirto mana ogin Ciidan beeleed jooga deegaanka saaxil ama somaliland ba oo ka dambeeyay kii Wabar & Ciidankii bariga burco ee markii lasoo bedelay Badhasaab Ramaax ugalay jidka (C) Beesha ciise muuse maaha beel kaduwan beelaha kale ee dalkan kuwada nool lagumana oga ciidan aan ahayn ciidanka dalka oo ugaara sidoo kalena maaha beel degta Berbera Area oo keliya balse waa beel wayn ku kala dhaqan dhamaan gobolada dalka saaxilna waaba halka ay ugu yartahay mana jirto cadaw ugaara oo ay iska eegaysaa waana ceeb & cay ku kooban cidii qoraalkaas baahisay (D) Haamaa shidaalka & Dekedu waa laba haayadood oo ka dhexeeya qaranka jamhuuriyada somaliland oo midina tahay Private Partner Public midana tahay Dowli lana wada ogyahay dakhligooda & dhaqaalahooduna ay ku baxaan howlo qaran oo la ogyahay loona raaco nidaam & system hufan oo qalin & qoraal lala daba socdo balse maaha dukaan uu leeyahay qof gaari taasina waa ceeb 2aad oo loola badheedhay Beel dhan & umad leh karaamadeeda (E) Marwo aamina waa marwadii qaranka waxaanay leedahay sharaf & karaamo awood dheeraada oo ay bixisaana majirto waxaana awooda maamul iska leh madaxwayne lasoo doortay oo iminkana jooga, mana jirto marwadu beel ay necebtahay haday beesha H/J necebtahayna waa wax aan cidina qaadan karin waayo caruurteeda & saygeeda ayaaba ah waana beesha haday cid jeceshahay ay jeceshay arintaasna marwada xaal ayaanu kasiinay waana meel kadhac qaawan (F) Madaxda gobolka saaxil maaha qaar kasoo wada jeeda dhamaan isku beel/reer/qabiil ee waa madax kasoo kala jeeda dhamaan beelaha dalka wada degan sida Badhasaabka oo ah nin kasoo jeeda gobolka Awdal, Taliyaha qaybta oo ah isna nin kasoo jeeda gobolka Sanaag, Kuxigeenka Maareeyaha Dekeda oo ah nin kasoo jeeda bariga burco & Etc balse Cali xoorxoor wuxuu maamulaa ama kayahay masuul waa keliya Wakaalada Dekeda Berbera Mohamoud gahayr-na haamaha oo Private ah mana laha awood ay ku samaystaan ciidamo ay iyagu siiyaan dhaqaale oo ugaara waana xagxagasho qaawan oo la ogyahay cida soo mal maluuqday ee ka dambaysa waxaanan leenahay Masuuliyiinta qaranka yaan laga daba qaylin sida dacawga (gabashada dagaal liita iyo doqonta shiidkeeda deriskeeda mooyee cid kale way ka durugtaaye bal dayay waxay doonayaan damac fog weeyaane) intaas ayaan halkaasna kudhaafayaa waxaanan leeyahay hadii laydinku famay damaca liita & duullimaadka qarsoon maaha inaad galgalataane meel kale uga wareega (H) muuqaalka lasoo dhigay websiteka ee lagu sheegayo Ciidan beeleedka waa sawir lagoo Copy gareeyay Maleeshiyada Xamar & Mooryaanta Hawiye ee waxaa ka wanaagsanan lahayd in muuqaal kaas ka duwan meesha lasoo dhigo hadii wax kale ay waayeen kii SNM-taba ay soo dhigaan waxaana layidhi Been hadaad sheegayso mid u eeg run ayaa la sheegaa.
DEKEDA CEEL-GARDI
Waxaa lawada ogyahay hadal haynta maalmahan dambe ee lasheegayo in deked laga dhisaayo ceel-gardi dekedaas oo ah mid sharci daro ah oo aan cidina ogayn balse ujeedada ka dambaysaa ay tahay in lagu lunsado cashuurta dalka lana doonaayo in laga soo dejiyo hub qarsoon sida ay baahiyeen warbaahinta caalamku iyadoo la doonaayo in laga raro xoolaha lagana soo dejiyo shidaalka & bagaashka waana goob ujirta Berbera 25/KM taasina waa waxaan marna suura gelayn, balse hadiiba qaranku go,aansado in lasameeyo Deked labaad waa mid ubaahan umeel deyid sahamin & Survey mana ah meel Budhcad ay doonayso inay laashah kusoo xidhato waxaana heegan loogu wada jiraa waa hantida umada lagamana yaabo in ay marnaba suurowdo taasi sidoo kale Ceel-gardi waa deegaanka Saaxil waxaana deegaanka saaxil marka laga yimaado qaranka degan oo ilaahay ku abuuray UMAD & beelo kala duwan oo kala leh Priority (Mudnaan) waxaana ay ka godaa taladeedu cidaas ilaahay ku abuuray (waa marka ladhaafo qaranka) cidaas oo ah Odayaal, Dhalinyaro, Aqoonyahan, & Etc mihiimada koowaadna waxaa leh beesha/beelaha ugu muga wayn ama ugu deegaanka badan iyadoo aan ladiidayn wax wada lahaanshaha & nolol qaybsiga oo awelba lawada deganaa deegaanka waxna lawada lahaa laakiin waxaan idiin sheegayaa nina yeeli maayo in la yidhaahdo Gurigaaga ayaa lagaa soorayaa ee nasug !!! Isagaa sheegi doona ninka ogolaanaya in laga marti-geliyo aqalkiisa.
KALSOONI-DARADA CIDA QORTAY MAQAALKAN.
Waxaa wax laga xishoodo ah cida isku howshay inay qoraalka intaas leeg diyaariso oo ay geliso media ee hadana diiday inay sheegto magaceeda iyadoo layska wada ogyahay cida noocaas ku adeegsata oo aanay qarsoonayn hadana waa Kalsooni-daro mugeeda leh oo ah wax laga yiq-yiqsoodo, waxaan usoo jeedin lahaa waar badheedha oo sidaanu anaba ubadheedhayno ubadheedha oo magaciina muujiya ilaahay ayuunbaa laga baqaaye ama dadka kadaaya xag-xagashada xun
Waxaan uga digayaa dadka noocaas ah ee la ogyahay halka ay joogaan & cida ay yihiinba inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan mixnada umada ay ka dhex wadaan hadii kale waxaa iman in nin walba halkiisa lagu abaaro cidna laga yeeli maayo sidan oo kale waana ceeb in maalintiina makhaayadaha laga wada shaaho oo lasyku shaxaado habeenka Media-yaha laysu soo geliyo waxaan dhaqan ahayn (maldahaad nin raga looga wacan maxamed nuurowe magaciisa kii qarinayiyo kii maldaha sheeko anagaa siduu maaganyahay marin abaalkiisa)
Waxaan kusoo koobayaa qoraalkaygan halaysu badheedho oo yaan laysu soo gaban nin qof ama beel ama reer uqaba cuqdad & ciil gooniya ee doonaayo inuu wax ka sheego ama wax yeeleeyo ama kuqabsado deegaan waa inuu dariiqeeda maraa isagoo ah Hebel ama Haybta uu yahayba laakiin ogaada in Kaluunku arko wixii biyaha bada soo gala kana digtoonyahay cadawgiisa’
WABILAAHI TOWFIIQ
Qoraalkii: Mr Abdi Abdilahi Mohamed