“WASIR INA XASHI “BICIIDE MA GEYO HOGGAANKA XISBIGA kulmiye”

0
1247
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

Wasiirka Madaxtooyada JSL Maxamuud Xaashi waxa afkiisa laga hayaa oon qarsoodi ahayn inuu yidhi;Biciide ma geyo kursi madaxweyne,aniguse hanbaan leeyahay  kana hadhimaayo ilaa, aan dalkan madaxweyne ka noqdo,marka hore waxan wasiirka leeyahay Biciidi iyo Cali Barre waa laba reer oo wada dhashay  xilkaan Biceede geyin Cali Barrena ma geyo,ta labaad adigu ma reer baad wasiir u tahay?mise Qarankaad wasiir u tahay?sow gef iyo meel ka dhac maaha waxaad beel uga hadashaa,ma wakiilbaad u tahay?mise waxbaa lagaa weyddiiyey?hankaaga cidi kuuma diiddana madaxweynenimona cidi kuuma diiddana,laakiin sidaad ku gaadhaysaa?ninkii wasiir noqdaaba ma madaxweynuu hawaystaa? mise waxbaad dheertahay wasiirrada? Waxan ku idhi; ha qaldamin Madaxwenaha, aad wasiirka u tahay ummadda reer Somaliand baa dooratay,intaan la dooran halkii laga soo gelbiyey waad ogtahay Waa Garadag.Garadagna waa  xurun Biciide.

Adiga halkee lagaa soo gelbinayaa?beentaad dadka u sheegi jirtey ayaad rumaysatay oo naftaada u sheegtay,madaxweyne inta cirku kuu jiro ayuu kuu jiraa haku riyoon,wasiirnimona intaa doorashada ka hadhay iska ,ahaw,Mudane Madxaweyne Axmed baa kuu khaldamay Muuse Biixi kuu khaldamimaayo,haddaad dadka been ku haysatona ku hayso,haddaad xoog ku haysatona ku hayso,haddaad lacag aad qaranka ka xaddayna ku hayso,markaad madaxwenenimo soo doonato waxan Allahay ka baryayaa inuu isku keen simo.waxan ku soo gebagebaynayaa

Xilku maaha awoow iyo aabbahaa dhaxalkisee

Haysu qaadan atoorki Aarka doontay Libaaxee

Dabeed uu am ka siiyee Alloow yaa ku yidhaahda Halkaagaa ku ekow.

W/Q Samiir Hassan abdi{Raan}

samirjajaa@gmail.com

TELL:  0634157974

………………………………………………………………………………

Hargeisapress Marnaba Masuul Kama Aha Aragtida Dadka Kale. Qoraaga Ayaa Xumaanteeda, Xushmadeeda Iyo Xilkeda Sida. Waxa Kaliya Oo Hargeisapress.Com  Dhiirigalinaysaa, Isdhaafsiga Aragtida, Canaanta Gacaliyo Talo Wadaagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here