Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiiradda wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Diinta iyo aw-qaafta ee Somaliland ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta dawladda hoose xildhbaanada golaha degaanka Hargaysa.
Waxaana wasiirrada sheekh Khaliil C/laahi Axmed iyo Maxamed Kaahin Axmed, kulankaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi.
Shirkaasi oo warbaahintu banaanka ka joogtay ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa warbaahinta si wada jira faafhaahin uga siiyay arrimihii lagaga wada hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo maayarka caasimadda Hargaysa.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo u jeedadda kulanka ay la yeesheen golaha degaanka Hargaysa, waxa uu yidhi “Duqa iyo qoladiinan fulintu markii aanu is aragnay, ee aanu muddo door ah isla yara wad-wadnay, ee aanu arrintan isla naaqishnay.
Waxaanu isla garanay dhammaan goluhu isagoo isu wada dhan in aanu halkan kullan isugu nimaadno, isla markaana aynu is weydiino hawlaha imika inoo yaalla iyo hawlaha la doonayo mustaqbalka in aynu qabano, iyo waxyaabaha imika u baahan in wax laga qabto ee deg degga ah.
Arrintaasi ayaynu isla eegaynaa, wixii hawl ah-na aynu ka wada hadalno, ayaynu qorshaheeda gelaynaa”.
Geesta kale maayarka Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in iyadoo kal-fadhigoodii caadiga ahaa u socday golaha in ay hadana ku soo casuumeen wasiirka arrimaha gudaha.
“Inaga iyadoo kal-fadhigeeni caadiga ahaa inoo socday, waxaa kulankeenan aan ku soo macsuunay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland” ayuu yidhi duqa Hargaysa.
By: Khadar Cabdi Muuse
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.