Wasiirro Dhagax Dhigay Masjid Jaamacadda Caynaba Oo Dib Loo Dhisayo

0
337

Caynaba (HP): Wasiirrada wasaarradaha xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka iyo Cadaaladda ee Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay masjid jaamaca qadiimiga ah ee magaaladda Caynaba oo dib u dhis lagu samaynayo.

Dhagax dhiga masaajidkaasi waxa kaloo goob joog ka ahaa maayarka magaaladda Caynaba, badhasaabka ku-xigeenka gobolka Saraar, iyo xubnaha guddiga gacanta ku haya dib u dhiska iyo soo qiimaynta masaajidkaasi.

Masaajidkaasi oo ah mid qadiimi ah ayaa la tilmaamaa inuu yahay mid taariikhi ah, isla markaana dhismihiisu soo jiray  muddo qarni iyo dheeraad ah ayaa muddo dheer dunsanaa dhismihiisu, waxaana la doonayaa in imika laga dhiso dhimse aad u casri ah.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland in ay ka soo qayb qaataan dhismaha masaajidkaasi.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu baaqay guud ahaanba ummada islaamka ah meel kastoo ay joogaan ba in ay ka soo qayb qaataan dhismaha masaajidka Caynaba.

Geesta kale xubnaha guddiga gacanta ku haya dib u dhiska iyo soo qiimaynta masaajidkaasi, ayaa ka warbixiyay taariikhda bilawgii dhismahaasi, ayaa sheegay inuu jiray muddo ilaa 100 sanadood ah, isla markaana la tilmaamo inuu ahaa masaajidkii saddexaad ee dariiqadda Saalixiyadda, ee laga dhiso dhulka Soomaalida.

Waxaanay ugu baaqeen dhamaanba dadka muslimiinta meel kastoo ay joogaan gaar ahaana dadka wadamadda dibadda ku nool  ee u dhashay magaaladda Caynaba,  in ay ka soo qayb qaataan dhismaha masaajidkaasi.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here