Wasiirrada cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo xilka la wareegay

0
531

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland, ayaa waxaa ay maanta si rasmi ah xilka ugala wareegeen Wasiirkii hore ee wasaaradda iyo Wasiir ku xigeenkii wasaaraddaasi.

Munaasibada ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirrada cusub ee wasaaradda iyo Wasiirradii hore, ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda cusub iyo xukuumaddii hore.

Waxaana munaasibada xil wareejinta hadalo ka jeediyay masuuliyiinta ka qayb galay munaasibada xil wareejinta Wasiirrada cusub ee wasaaradda iyo Wasiirradii hore, iyagoona la dardaarmay Wasiirrada cusub, isla-markaana sii sabootiyay Wasiirradii hore ee wasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha iyo Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda, ayaa si qoto dheer uga warbixiyay hannaanka shaqo ee wasaaradda ee ay Qaranka ugu xil saaran tahay.

Sidoo kale, Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka waramay waxqabadka iyo horumarka wasaaradda, mudadii ay xilka hayeen.

Waxaanu Wasiir hore Sacad Cali Shire ka codsaday shaqaalaha iyo cashuur-bixiyaha inay la shaqeeyaan Wasiirka cusub, sidii isaga ula shaqeeyeen.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Somaliland, Cabdullaahi Xasan Aaden oo ugu danbeyntii munaasibada hadal ka jeediyay, ayaa waxaa uu sheegay in uu si hufan oo hagar la’aan ah ugu shaqayn doono, uguna hawlgeli doono qaranka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here