Wasiiro kormeeray Maxjaradda Xoolaha ee magaalada Berbera

0
595

Berbera (Hargeisa Press)- Wasiirada wasaaradaha Xanaanadda Xoolaha iyo Hawlaha Guud, Siciid Sulub Maxamed iyo Mustafe Godane, oo uu weheliyo Badhasaab Ku-xigeenka iyo Taliyaha qaybta Booliska gobolka Saaxil, ayaa soo kormeerey Maxjaradda Xoolaha ee magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Wasiirada oo safar shaqo ku joogi doona gobolka, ayaa indho indhayn iyo kormeer ku tagay, maxjarka weyn ee hore ay u daganaayeen Shirkadda Aljaabari iyo Xarumaha kala duwan ee wasaaradahaasi ku leeyihiin gobolka Saaxil.

Waxayna halkaasi warbixino kaga dhagaysteen masuuliyiinta u qaabilsan gobolkaasi ee kala ah Isu-duwayaasha labadda wasaaradood.

Intaasi ka dib, wasiirada waxaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Duqa degmada Berbera Cabdishakuur Cidin.

Masuuliyiintan, waxay la shaaheeyeen shacabka ku nool magaalada Berbera, Iyaga oo u kuurgalaya xog’ogaalnimada xaaladda guud ee gobolka, iyo ka  degmada Berbera.

Ujeedada rasmiga ah ee weftiga wasiirada, ayaa la xidhiidhay hawlaha shaqo ee wasaradduhu ka wadaan gobolka Saaxil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here