Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland , Wasiirka Diinta iyo Awqaafta,wasiiru-dawlaha wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada, Agaasimaha Guud Ee Wasarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada, xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer hawleed ku tagay xarunta daryeelka iyo dhaqan celinta caruurta ee xaafada Maxamad Mooge ee magaalada Hargeysa.