Wasiirkii Hore Ganacsiga Oo MUUSE Biixi Kula Taliyay In Uu Iska Casilo Gudomiyenimadda KULMIYE

0
1251

muuse iyo maHargeysa, (HargeisaPress) — Kulan aan ujeedadiisa si rasmi ah shaaca looga qaadin ayaa habeen hore Huteel Lake Assal ee magaalada Hargeysa ku dhex maray odayaal ka soo jeeda Jufada Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi Iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, kulankaasi oo aan ujeedadiisa la shaacin balse warar ka ag dhawi wargeyska Foore u xaqiijiyeen in ay labada dhinac iska waraysteen xaaladda siyaasadeed ee wali ku gedaaman Guddoomiyaha KULMIYE iyo riiqdii uu ka tagay khilaafkii KULMIYE.

Kulankan ayaa la sheegay in uu daba socday Kulan gaar ah oo ay hore u yeesheen Wasiirkii Hore iyo Guddoomiyaha KULMIYE kaasi oo ay labada dhinac laba aragtiyood oo kala fog hore isula soo qaadeen kadibna ku heshiin waayeen. Wasiirkii Hore ee wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar oo dhawaan safar dibada kaga soo laabtay tan iyo xil ka qaadistiisii ayaa la sheegay inay Guddoomiyaha KULMIYE isku af garan waayeen laba arrimood oo mid kastaa kan kale u soo jeediyey. Guddoomiyaha KULMIYE ayaa la sheegay in uu isagu Maxamed Cabdilaahi ku war geliyey in uu xukuumadda qalqaalo ugu jiro sidii uu ugu soo laaban lahaa Golaha Wasiirrada halka Wasiirkii hore isaga laftiisu Guddoomiyaha KULMIYE u soo jeediyey in uu is casilo oo banneeyo xilka guddoomiyenimada KULMIYE. Habeen hore ayaa ergo uu guddoomiyaha Kulmiye u soo diray ku lad qabaynayeen Maxamed Cabdilaahi Cumar Hoteel Lake ASSAL ee Magaalada Hargeysa,iyagoo isku soo dhawaynayay labadan masuul ee siyaasadda Khilaafkii KULMIYE dhinac isu raacisay wasiirkaasi xilkiisii ku waayey taageerada Guddoomiyaha KULMIYE.
Ergooyin ay isku hayb yihiin Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa habeen hore fiidkii ku ladqabaynayay Maxamed Cabdilaahi Cumar Hotel Lake-Assal ee magaalada Hargeysa,waxa ay ka markii hore fadhi gaaban kuwada qaateen mid ka mid hoolasha hotel-kaasi iyagoo markii dambe dibada uga soo baxay si weyna ciddii joogtay huteelku u wada dareentay weedhaha raali galinta ah ee la is waydaarsanayay. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa ku cel celinayay erayo ay ka mid yihiin: Muuse Talo ma waydiinayo ee tiisa haku filaado, Miyaanu Subeer Awal Cidlo kaga dhaqaaqin, tiisaba daryeele ayaa tu kale ku dara, horta taladayda ha qaaato oo Xilka uu hayo iska casilo. Ergadan ayaa markii danbe huteelka dibada ugala baxday Maxamed Cabdilaahi Cumar iyada oo aan la ogayn meel ay fadhi ku yeesheen.
Dhinaca kalena Toddobaadkan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxtooyada ka codsaday in xil loo magacaabo Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo uu sheegay in uu isaga awgii ku waayay xilka wasiirnimo ee uu qaranka u hayay. Sidoo kale codsigan gudoomiyaha kulmiye ka sokaw, Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaa ku jiray in uu xilal kale u doonayay xubno ka mid ah taageerayaashiisii wakhtigii khilaafka KULMIYE aloosnaa balse warar aan la shaacini xusayaan in codsigaasi madaxtooyadu ka gaabsatay.

Xigasho:Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here