Dawladda Ingiriiska Oo Weli Ka Digaysa Amniga Somaliland, Hargeysa Iyo Berberana U Aragta In Safarada Muhiimka Ah Oo Keliya Loo Tago

0
1288

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dawlada Ingiriiska ayaa weli ku dhegan dhaliisha ay u hayso amniga Somaliland, waxaanay muwaadinteedu inay safar ku tagaan ugaga digaysaa sida ay uga digayso Somaliya, marka laga reebo magaalooyin kooban. Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika Mark Simmonds, oo 10 Jullay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska hortagay, ayaa wuxuu sheegay in Hargeysa iyo Berbera loo tagi karo arrimaha muhiimka ah oo keliya. Andrew Rosindel ayaa wasiirka weydiiyay tirada muwaadiniinta Ingiriiska ah ee caawimo safaaradeed oo deg deg ah uga baahatay afartii sannadood ee u dambeeyay iyagoo ku sugnaa Somaliya, wuxuu yidhi “Ma awoodno inaanu Somaliya ku siino caawimo qunsliyadeed oo toos ah.” Ayuu yidhi wasiir Mark Simmonds, waxaanu isagoo tilmaamaya in Hargeysa iyo Berbera loo tegi karo oo keliya arrimaha muhiimka ah uu yidhi “Hase yeeshe, iyadoo aanu ku talinayno inaan Somaliya oo dhan loo socdaalin marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo aanu cid kasta kala talinayno marka laga reebo safarada lagama maarmaanka ah, waxaanu siinay caawimo qunsuliyadeeda muwaadiniita Biritishka ah ee ku sugan Somaliya annagoo u marina safaaradayada Addis Ababa iyo guddiga sare ee Nayrobi.”
Wuxuu wasiirku soo bandhigay tirada dadka uga baahatay caawimada, waxaanu yidhi “Sannadkan waxa jiray ilaa hadda saddex dhacdo. 17 dhacdo ayaa jiray sanandkii 2013-2014, 2012-2013 sagaal dhacdo ayaa jiray, 10 dhacdo ayaa jiray sannadkii 2010-11.”Wasiirkan Ingiriiska ayaa safar uu bishii April ee sannadkan Hargeysa ku yimid, wuxuu ku sheegay inay hoos u dhigeen cabsidii amni ee ay Somaliland ka soo sareen,waxaanu Hargeysa kaga dhawaaqay in magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ay muwaadiniinta Ingiriisku tegi karaan, balse ay magaaloyinkan laftooda u tegi karaan arrimaha muhiimka ah.
Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here