Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa maanta tababar ku saabsan Dastuurka iyo Waddaniyadda u furtay shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxaa furitaanka tababarkaasi ku wehelinayay wasiirka wasaaradda warfaafinta Saleebaan Cali Koore, iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.
Waxaanu wasiirku kula dar-daarmay xubnaha shaqaalaha wasaaradda warfaafinta ka tirsan ee tababarkaasi loo furay in ay ka faa’iidaystaan casharrada ku saabsan dastuurka iyo waddaniyada ee ay qaadanayaan.
DAAWO: Khudbadii Maxamed Xaaji Aadan ee furitaanka Tababarka ku Saabsan barashadda Dastuurka iyo Waddaniyadda
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.