Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Denmark

0
493

Hargeisa (HP): Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL Saleebaan Yusuf Koore, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday dawladda Denmark.

Weftigaasi oo uu hogaaminayo madaxa Xafiiska Somaliland ee dawladda Denmarka Mr. Mathias Daniel, oo ay wehelinayeen xubno kale.

Wasiirka ayaa kala hadlay xoojinta wada shaqayneed ee wasaaradda Warfaafinta JSL iyo Xafiiska Denmarka ku leedahay Somaliland.
Iyadoo wakiilku u balan qaaday wasiirka  in wada shaqayn dhaw ay la yeelan doonaan wasaaradda.
Kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta  Mudane Siciid Xasan Habane.
La taliyaha Arrimaha Hay’adaha Sucaad Daahir Xujaale, Agaasimaha waaxda ICT Maxamed Cabdi Idiris iyo Agaasime ku xigeenka ICT Hoodo Axmed Qarbooshe.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here