Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cumar Cali Cabdilahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo uu hogaaminayay ku-xigeenka safiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Adan Abdelmoula.
Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Qaramada Midoobay taageerada ay Somaliland ka taageeraan dhanka horumarka, iyo geedi socodka dimoqraadiyadda.
Waxaanu wasiirku sharraxaad guud ka bixiyay dhacdadii Dabka ee suuqa Waaheen, khasaarihii ka dhashay, gurmadka la sameeyay iyo qaabka loo muumalay gurmadkaasi.
Sidoo kale, wasiirku waxaa u tilmamay dadaalka ay dawlada Somaliland u gashay in la ururiyo qaadhan xoogan oo lagaga soo kabanayo dhacdadaasi.
Dhanka kale Dr. Adan Abdelmoula, ayaa uga mahad celiyey Wasiirka sida fiican ee uu usoo dhaweeyey iyo sida fiican ee uu xogta uga siiyey dhacdadii suuqa waaheen.
Geesta kale, waxa uu Wakiilku muujiyay in uu la dareen yahay shacabka iyo dawladda Somaliland murugadana la qaybsanayo iyo wax-yeeladii uu dabku gaadhiiyey suuqa waaheen.
Ugu dambayna Dr. Adan, waxa uu balan qaaday in Qarama Midoobay diyaar u tahay ka qabyqaadashada gurmadka suuqa WAAHEEN.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.