Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Sharaxay Xeer Nidaamiyaha Xukumadda + SAWIRRO

0
1062
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan

Hargeysa,(HargeisaPress) โ€” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Mudanayaasha Wakiilada faahfaahin ka siiyay Xeerkaย  Nidaamka Xukumadda oo Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u gudbiyay Golaha wakiilada.

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in Xeerkani wax badan ka tarayo habsami u socodka Hawlaha maamulka Dawladda iyo kala xadaynta waajibaadka qaybaha xukumadda islamarkaana uu maamul wanaag u horseedi doono.

Wasiir Xirsi oo ka hadlay sida uu Xeerkani u qaabanaynayo Haykalka Dawladnimo waxa uu yidhi โ€œHogaanka guud ee qaabaynta iyo jaangooynta siyaasada โ€œ Policy and Dicision Makersโ€,
Maamulka, maaraynta xafiisyada iyo shaqada xukuumada โ€œAdministaration of Public Serviceโ€ ย iyo Adeeg bixinta bulshada โ€œDirect Public Service Providersโ€

Golaha wakiilada Somaliland
Golaha wakiilada Somaliland

Wasiirku waxa uu sidoo kale sharaxay U jeedada Xeerkan loo aasaasay waxaanu yidhi โ€œDadjinta sharci saldhig u ah aasaasidda hayโ€™addaha xukuumadda dhexe ,Xaddidaada xilka, waajibaadka, awoodaha iyo shaqada hayโ€™addaha xukuumada dhexe, ย Kala xadaynta hawlaha iyo xilalka laamaha xukuumaddda dhexe iyo isku xidhkooda ,In la gaadho tayayn dhamaystiran oo la xidhiidha guud ahaan waxbqadka xukuumada ,In la xaqiijiyo habsami u socodka adeegyada bulshada ,In si cad loo iftiimiyo, lana dhaqan geliyo, xadka u dhexeeya xilalka maamul iyo siyaasadeed ee haga, gaadhsiiyana adeegyadda aasaasiga ah qaybaheeda kala duwan ee bulshadaโ€

Wasiirka Madaxtooyada ayaa Golaha wakiilada ka codsaday in xeerkan la ansixiyo. Waxa uu sidoo kale u soo jeediyay golaha inay ansixiyaan Xeerarka diwaan galinta oo ahmiyad u leh qabsoomida doorashada.

 

Hargeisa Press News Desk โ€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here