Wasiirka Macdanta Somaliland oo qaabilay wefdi ka socday Baanka Adduunka

0
576

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday Baanka Adduunka oo booqasho ku yimid Somaliland.

Waxana wefidigan ka socday Baanka Adduunka hogaaminayay Paul Baringanire oo ah (TTL)-ka mashruuca dib u soo kabashada Korontada Somaliland (SESRP).

Wasiirka, ayaa wefdiga la wadaagay horumarka ka socda aaga Tamarta Somaliland iyo sida ay wasaaarad ahaan ugu heelan ka faaโ€™iidaysiga khayaraadka Tamarta Somaliland si bulshada Somaliland u hesho Tamar jaban oo la isku halayn karo.

Dhankooda Baanka Aduunku waxa ay Somaliland ku bogaadiyeen horumarka laga sameeyay Mashruuca dib u soo kabashada Korontada Somaliland (SESRP), kaasi oo ay ujeedadiisu tahay in bulshada Somaliland hesho koronto jaban, la isku halayn karo kana timaada ilo nadiifa.

Wasiirka, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Shucayb Cismaan Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here