Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey Shirkii Dowladaha Caalamka ee Dubia

0
2215

Dubia (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminaayey, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Dowladaha Adduunka ee sanadka 2025, oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 6,000 oo qof ka jeediyey khudbad dheer, su’aalo badana kaga jawaabey.

Madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo istaraatiiji ah ka jeediyay shirka dowladaha adduunka ee ka socda magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu si qoto dheer ugu dheeraaday taariikhda kala duwan ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku dheeraaday halka ay Somaliland ku taal juquraafiga iyo sida ay uga go’an tahay inay soo jiidato maalgashi shisheeye (FDI).

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay Madaxweynuhu sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay maalgashiga iyo la shaqaynta madaxda caalamka iyo maalgashadayaasha.

Madaxweynaha, ayaa waxaa geesta kale uu ka hadlay Heshiisyadii dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, Shirkadda DP World iyo sidoo kale arrinta Dowladda Mareykanku ee ku aadan Aqoonsiga Somaliland.

 

 

May be an image of 4 people and text

May be an image of ‎5 people, dais and ‎text that says '‎כסס J‎'‎‎

May be an image of ‎3 people, dais and ‎text that says '‎القصشمية إلقمية WORLD GOVERNMENTS للدكومات SUMMIT സഭട്‎'‎‎

 

May be an image of 6 people, crowd, dais and text

May be an image of 6 people, dais and text

Hoos ka daawo muuqaalka khudbada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here