Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo faddeexad horleh lugaha la galay

0
1085

Muqdisho (Hargeisa Press)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige, ayaa lugaha la galay faddeexad horleh kadib markii ay soo baxday inuu siyaasadeeyay mashruuc laga filanayo magaalada Muqdisho.

Mashruucan oo lagu sheegay mid wax lagaga qabanayo biyo-mareennada magaalada Muqdisho si xal loogu helo saamaynta roobabka ku keenaan, ayuu Wasiirku sheegay inay xukuumadda Soomaaliya bilowday iyada oo ka duulaysa in shacabka Muqdisho dib loogu celiyo cashuurtooda.

Mashruucan, ayaa waxaa soo baxday in ayna wax dhaqaale ah kaga baxayn dowladda Soomaaliya, oo uu yahay mashruuc deeq ah, waxaana lacagtiisa bixinaya Bangiga Adduunka, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee waaxda Qorshaynta gobolka Banaadir Cabdiqadir Dalxa.

Agaasime waaxda Qorshaynta gobolka Banaadir Cabdiqaadir Dalxa, ayaa hadalka Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ku tilmaamay mid lagu marin-habaabinayo shacabka Soomaaliya, islamarkaana ayna jirin lacag cayiman oo ay dowladda dhexe bixinayso oo la xidhiidha mashruucan, uuna yahay deeq Bangiga Adduunku bixinayo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo tan iyo markii uu ku dhowaaqay in la soo rogay cashuur cusub oo iibka, taas oo dhan 5%, lagana jaranayo lacagaha qofku ka diro Evc, eDahab iyo Wallet-yada, ayaa la kulmayay dhalleecayn xooggan, wuxuuna hadda lugaha la galay faddeexad horleh, maadaama uu siyaasadeeyay mashruuc deeq ah oo uu ka been abuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here