Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Golaha Wakiillada horkeenay Miisaaniyadda 2025-ka

0
1016

Hargeysa (Hargeisa Press)- Kal-fadhiga 10aad Fadhigiisii 13aad oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Goluha waxaa saaka la keenay Miisaaniyada Qaranka oo ka kooban Guud ahaan 3,894,462,279,363 SLSH.

Waxaana Golaha uga warbixiyay Miisaaniyadda Qaranka ee 2025-ka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan.

Guddoomiye, Fartoon, ayaa waxa uu mudanayaasha Golaha u sheegay in Miisaaniyada lagu wareejindoono Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Ugu danbayntii Guddoomiye Faratoon waxa uu mudanayaasha ku wargaliyay in wakhtigu cidhiidhi yahay sida u dhakhsaha banna waajibkiisa Goluhu ugu gudan doono Miisaaniyada Qaranka, marka ay Guddida Dhaqaaluhu ku soo celiso Golaha.

Hoos ka daawo muuqaalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here