Hargeysa (HargeisaPress)- Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdillaahi Xasan Aaden ayaa u mahadceliyey madaxda waaxyaha sida hufan ee ay u guteen waajibaadkooda, waxaanu ku boorriyey inay u diyaar garoobaan gaadhitaanka yoolalka ku qeexan qorshe-hawleedka sannadlaha ah, kaas oo xafiis kasta ama waax kasta ay bilaabi doonto hirgelintiisa sannadkan.
Kulan-hawleed lagu qiimaynayey waxqabadka Waaxaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Sadex-biloodka January-March ayaa ka qabsoomay Hall-ka shirarka Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Dawladda.
Kulankan oo ah mid sadex biloodle ah ayuu ujeedkiisu ahaa qiimeynta sida Waax walba uga qabsoomay qorshaheedii saanadlaha ahaa, iyada oo Agaasime waaxeedyaddu mid walba gaarkiisa looga dhagaystay war-bixin ku aaden wixii uga qabsoomay bartilmaameedkii loo asteeyey ee ku xusnaa qorshe-hawleedka Waaxdaasi, hawlaha baaqday ee aan qabsoomin iyo asbaabaha ay u qabsoomi waayeen.
Kulan-hawleedka ayey goob-joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, Wasiirul-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md. Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xasan Saleebaan, iyo masuuliyiinta Waaxyaha wasaaradda maaliyadda
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalahu waxa ay leedahay qorshe u yaal oo sanadle ah, iyo waliba Qorshaha Istiraatijiyadda Shanta Sano oo ah khariidadda ama jidka Xafiis-kastaa u raaco socodsiinta hawlaha uu u idmanyahay. Waxaana laga yeeshaa kulamo sadex-bilood ah, lix-bilood iyo kuwa sanadle ahba kuwaasi oo ah qiimayn iyo dib-u-eegis si la isula eego waxa ka fulay hawlihii qorshaysnaa iyo kuwa taagan ee qabsoomi waayey.
Kulan-hawleedka oo qaatay saacado badan waxa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, isaga oo masuuliyiinta Waaxaha ku amaanay sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadkii loo xilsaaray, isla markaana kula dardaarmay u diyaargarawga meelmarinta waajibaadyada {Bartilmaameedyo} ku xusan Qorshe-hawleedka sanadkan bilawga ah uu ku hawl-gali doono xafiis kastaa ama Waaxkastaa.