Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo kormeeray dekedda Saylac

0
1127

Saylac (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa waxaa uu maanta kormeeray Dekedda magaalada Saylac.

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland, ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayay maamulka iyo masuuliyiinta kala duwan ee gobolka Sallel.

Waxaana wasiirka ku soo dhaweeyay dekedda shaqaalaha ka hawlaga dekedda iyo ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ee magaalada Saylac.

Guddoomiyaha gobolka Sallel Mawliid Maxamed Cabdi oo ugu horayn madasha hadal ka jeediyay, ayaa ka warbixiyay dekedda Saylac iyo hannaanka ay u shaqayso.

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga waramay horumarka ka socda dekedda magaalada Saylac.

Waxaanu wasiirku ku booqriyay shaqaalaha dekedda Saylac inay sii laba jibaaraan shaqada dekedda iyo ta ay qaranka Somaliland u hayaanba, isla-markaana aanay ka nasan.

Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Saylac, isagoona u kuur galay xaaladda Kalluumaysiga ee magaalada iyo sida ay u socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here