Tacsi Tiiraanyo leh oo uu dirayo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL

0
764

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) wuxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan dadkii ku geeriyooday Shilkii naxdinta lahaa ee labada baabuur ee ka dhacay Gabiley iyo Kalabaydh dhexdooda. Waxaan marxuumada dhammaantood Eebbe uga baryeynaa inuu u Dembi dhaafo, Qabriga Naxariis iyo Neecow Qabowba ugu geeyo, Jannadii Fardawsana ka waraabiyo. Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Ummadda Reer Somaliland ee ay ka baxeena waxaan leenahay RABBI samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

 

 

Gaar ahaan, waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Dhammaan Qoysaska Reer Aw Daahir Dugsiiye meel kasta oo ay joogaanba anigoo uga tacsiyeynaya xubnaha Qoyskooda ee Shilkaa ku geeriyooday. Waxaan Allah(SWT) uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, danbigoodana dhaafo, iilka u nuuro , neecaw udgooniyo , ku siiyo naruuro, innagana samir iyo iimaan innaga siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin.

 

Innaa LILLAAHI Wa Innaa ILEEYHI Raajicuun

 

Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here