Xaflad kooban oo furitaanka huteelkan loogu sameeyey dhismihiisa maanta, kana qaybgaleen Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, ganacsato, dhallinyaro iyo marti sharaf kale, waxa hadal ka jeediyey mulkiilaha huteelka Summer Time Siciid Sheekh Cumar oo faahfaahin ka bixiyey ganacsigan cusub ee uu soo kordhiyey iyo ujeeddada ka dambaysa, isagoo xusay inay ugu talogaleen macaamiishooda iyo dadka dalxiisayaasha ah, maadaama huteelkiisu hore ugu koobnaa qaybta cuntada iyo hoolasha xafladaha.
“Huteelkani waxa uu ka kooban yahay ilaa 30 sariirood oo ah qayb qayb isugu xidhan (apartments) oo ka kooban hurdii oo isgu jirta laba sariirood iyo sariir keliyaba ah, qolka carruurta, cuntadii ama fadhigii, madbakh iyo suuligoodii, kuwaas oo u qalabaysan si qurux badan.
Sidaasi darteed, waxaannu u sheegaynaa macaamiishayada qiimaha iyo sharafta leh inay ku soo hiran doonaan oo ay soo dhawaadaan, maadaama Summer Time markii hore qaybta cuntada oo keliya ahayd aannu u soo kordhinay huteelkan iyo dhisme kale oo soo socdaba,” ayuu yidhi Siciid Sheekh Cumar.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa soo dhaweeyey furitaanka huteelkan cusub oo uu ku tilmaamay mid muhiimad wayn leh, waxaannu ku ammaanay ganacsade Siciid Sheekh Cumar inuu yahaynin dhallinyaro ah oo sameeyey dadaal fara badan oo horumar u ah dalka, waxaannu yidhi, “Siciid huteel qurux badan ayuu ku soo kordhiyey magaalada Hargeysa oo ah mid aad loogu baahnaa. Ganacsiga noocan ahi waxay keenayaan fursado shaqo-abuur, quruxna way ku soo kordhinayaan magaalada, waxaanna ku soo hiranaya dad badan oo dalxiisayaal ah.”
Waxa kale oo uu ugu baaqay dhallinyarada dalka inay ku daydaan ganacsatada uu mulkiilaha Summer Time ka mid yahay oo muujiyey inuu dalkiisa ka shaqaysan karo, maadaama dawladdu aanay lahayn awood ay ku samayso shaqo abuur wax ka qabta tahriibta da’yarta.
“Runtii mulkiilaha Summer Time wuxuu dhiirigelinayaa dhallinyarada sii tahriibaysa oo uu tusayo inay dalkeenna shaqooyin badan oo laga shaqaysan karaa yaalaan, aniguna ka wasiir Ganacsi ahaan waxaan aad ugu jajabanahay oo ugu heellanahay dadka dhallinyarada ah ee ganacsiga samaysanaya, waayo in aannu dhiirrigelinno dhallinyarada oo ay meherado samaystaan waa waxa keliya ee lagaga bixi karayo shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumada, sababta oo ah dawladdu ma wada qaadan karto shaqaale tiro badan dhaqaaleheenna dartii, maanta shaqaaleheena 80% waxay u shaqeeyaan hantida ama ganacsiga gaarka loo leeyahay oo horumaray, siyaasadda dawladdeennuna waxa weeye inuu horumaro ganacsiga gaarka loo leeyahay oo ay dhiirigeliso, gaar ahaan qaybta dalxiiska in aynu horumarino ayeynu u baahannahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Qaasim oo ganacsigan cusub ee Summer Time Alle uga baryey inuu barakeeyo.
hargeisapress@gmail.com