Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Puntland Uga Digay In ay Soo Gasho Xuduudkeedda

0
744

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), ayaa maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland uga digay in ay isku dayaan in ay ku soo xad gudbaan, soona galaan xuduudka dhuleed ee Somaliland.

Waxa kaloo uu uga digay magan galinta sarkaalkii ciidanka qaranka ka fallaagoobay ee Caarre, waxaanu wasiirku caddeeyay in aanay xukuumadda Somaliland u dul qaadan doonin fallaago cadaw ku ah Somaliland in ay xarumo ka soo duulaan laga siiyo Puntland.

 

Waxa kale oo uu intaa ku daray in qaranka Somaliland ay ka go’an tahay in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ku soo xad gudubta xuduudaha qaran ee Somaliland hadday tahay fallaagada Caarre iyo hadday Puntland tahayba, waxaanu intaa raaciyay in ciidanka qaranku ay awood u leeyihiin in ay xididada u siibaan fallaagada Qardho lagu beerayo.

Wasiir Eng Xawar, waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu xalay siiyay wargayska Dawan. Ugu horrayn wasiirka oo farriin digniin ah u diray madaxda maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa yidhi “Wasiirrada Puntland ee xilalku u cusubyihiin waxaan leeyahay ku ekaada Puntland. Somaliland waa dal qaran ah oo leh xuduudo caalami ah oo la mid ah kuwa Soomaaliya ay la wadaagto dalalka kale ee ay dersika yihiin, markaa in aad marba tuulo kamarad iskaga duubtaan oo aad tidhaahdaan waa Puntland, xilka aad ku cusubtihiin ku illaashi idiin noqon mayso.

Waxaanan idin odhan lahaa deegaankiina iyo dadkiina u soo noqda oo ka baxa riyada aad ku nooshihiin, deegaankaasi waa Somaliland dhul ahaan, dad ahaan iyo qaran ahaanba, dawladduna waa u diyaar in ay ka difaacdo cadaw kasta oo ku soo xadgudba xuduudda dhuleed ee Somaliland, xukuumaddana waxaa ka go’an in ay dadkeeda iyo dalkeedaba nabad gelyadooda illaaliso, horumarkoodana ka shaqayso, cadawgana ka difaacdo.”

Wasiir Xawar oo ka hadlayay tallaabada ay ka qaadayaan xukuumad ahaan sarkaalka ka fallaagoobay qarankiisa ee dibad wareegga ah, ayaa yidhi. “Xukuumadda waxaa ka go’an in aanay jiri karin koox ama maleeshiyo reer Somaliland ah oo dalka cadaw ku ah oo meel loogu uruuriyo, tallaabo cad ayaanay ka qaadaysaa ciidanka qarankuna wuu ku filan yahay difaaca dalkiisa waxaanan u sheegayaa qolada Puntland in aanay Somaliland marnaba u dul qaadanayn in Caarre ay marba qaadhi shidaal ugu soo shubaan oo uu hadba meel xabado ka soo rido halkiisa ayaanay ciidanka qaranku ugu tegi doonaan oo ay tallaabo kaga qaadi doonaan.

Intaa waxaan ku darayaa Somaliland cidna cadaw kuma aha, cadawna ma magan geliso cid kale duulaan ku ah, kana aqbali mayno Puntland in ay maleeshiyo qaran dumis ah in ay Qardho ku uruuriso, hana ogaadaan madaxda Puntland haddii ay nabad gelyadu deeqi waydo in ay Somaliland ka heli doonaan jawaabta ay mudan yihiin.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray qorshe cad oo ay xukuumaddu wax kaga qabanayso gobolka Badhan iyo guud ahaan deegaanada gobolada bari.

Waxaanu yidhi. “Xukuumadda Somaliland waxaa u qorshaysan in deegaanada gobolka Badhan iyo guud ahaan gobolada bari ee dalka in wax badan laga qabto oo kor loo qaado adeegyada arrimaha bulshada, waxaana jira qorsheyaal waxqabad oo deg deg ay xukuumaddu uga hir gelinayso oo dadka deegaanka wax badan ka tari doona kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimo badan oo kale oo ay ugu horrayso daryeelka bulshadu.”

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY