Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Qaabishay Wefti Ka Socday Ururka Midawga Yurub

0
869

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland  Marwo Shukri Xaaji ismacil Baandare, ayaa xafiiskeedda ku qaabishay masuuliyiin ka socday ururka Midawga Yurub oo booqasho ku yimid Somaliland.

Wasiirka waxaa kulankaasi ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda deegaanka Somaliland oo uu ka mid ahaa agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/naasir Axmed Xirsi, iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa masuuliyiinta ay kulanka la qaadatay  ku soo dhawaysay wasaaradda kadibna waxay uga warantay xogta guud ee xaaladaha deegaanka Somaliland iyo dhibaatooyinka deegaan ee dalka ka jira iyo waajibaadka wasaaradda ee wax ka qabashadda dhibaatooyinka soo waajahay deegaanka.

Sidoo kale wasiirka deegaanku waxay u sheegtay masuuliyiinta ka socday EU sida dawlada Somaliland uga shaqayso ilaalinta deegaanka si dadweynaha dalku ay ugu noolaadaan deegaan nabad qaba, kana fayow waxyeelada bini’aadamku u gaysto deegaanka.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa guud ahaan si looga bax dhibaatooyinka deegaanka ee uu dalku ku sugan yahay waxay masuuliyiintaasi warbixin ka siisay sida ay wasaaraddu  u qaaday talaabooyin waaweyn oo ay ugu mudan yihiin ka hortaga xaalufka iyo nabaad-guurka.

Gaar ahaan sidii loo yarayn lahaa isticmaalka Dhuxusha, iyadoo dhiiri gelisay shirkadaha keena Gaasta  cuntada lagu karsado. Kuwaasoo ay xukuumaddu u samaysay cashuur dhaaf  si ay u jebiyaan qiimaha Gaaska  iyo Shooladaha.

Wasiirku waxay masuuliyiinta ka socday EU la wadaagtay sidii ay wasaaradda deegaanka Somaliland uga caawin lahaayeen mashaariic lagu daryeelayo deegaanka, taasoo ay  isla afgarteen qorshahana ugu darsan lahaayeen.

Geesta kale, masuuliyiinta ka socday ururka midawga Yurub EU-da, waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay inta suurto gal ah u caawini lahaayeen wasaaradda deegaanka Somaliland si ay uga hortagto dhibaatooyinka deegaanka ee uu dalka haatan ku sugan yahay.

Dhinaca kale masuuliyiintan ka socday EU ayaa  wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga uga mahad celiyay soo dhawaynta fiican iyo  xogta balaadhan ee ay ka siisay  xaaladaha deegaanka Somaliland iyo sida dawlada Somaliland ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanku.

Waxaanay balan qaadeen inay kala shaqayn doonaan wasaaradda deegaanka Somaliland arrimaha khuseeya daryeelka iyo wax ka qabashadda deegaanka.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here