Wasiirka Deegaanka Somaliland oo furtay Shir lagaga hadlayay ilaalinta baddaha

0
1316

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa ka furtay kulan lagaga hadlayay siyaasadda ilaalinta deegaanka baddaha.

Kulankan oo dabasocday kulamo hore, ayaa waxaa ka qayb galay hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah, masuiyiinta Wasaaraddaha ay wadashaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka, Jaamacadaha, ururrada bulshada, madaxda shirkaddaha ka ganacsada kalluunka, shirdaha keena saliidaha, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka cimilada Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo shirka hadal ka jeedisay, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay ujeedada kulanka iyo waxaa uu daaran yahay.

Waxaanay wasiirku sheegtay sida ay muhiimka u tahay sidii awooda la iskugu gayn lahaa siyaasad meel mar ah oo lagu maamulo, isla-markaana lagula soo baxo khayraadka badda.

Kulankan, kulan xiga, ayaa loo balaamay wixii laysku kordhinaayo laguna darayo siyaada ilaalinta deegaanka baddaha oo dhowaan la filayo in lagu shaqeeyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here