Wasiirka Deegaanka Oo Qaabishay Wefti Ka Socday Midawga Yurub

0
499

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland  Marwo Shukri Xaaji Ismaacil Baandare, ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday ururka midowga Yurub.


Waxaana wasiirka kulankaasi ku wehelinayay agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka C/naasir Axmed Xirsi.


Masuuliyiinta wasaaradda deegaanka Somaliland iyowafti ka socday ururka midowga Yurub, waxay ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka soo waajahay deegaanka Somaliland.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka deegaanka Somaliland waxa kaloo  lagaga wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa dhinacyada kala duwan ee dhibaatooyinka haysta deegaanka.
Kuwaasoo ay ka mid ahayd doorsoonka ama isbedelka cimilada, iyo horumarinta reer miyiga.


Sidoo kale waxay labadda dhinac kulankaasi kaga hadleen arrimo khuseeya Horumarinta iyo ilaalinta Deegaanka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here