Wasiirka Deegaanka Oo Kulan La Yeelatay Haayado iyo Ganacsato

0
914

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta kulan la yeelatay haayadaha caalamiga ah iyo qaar ja mida ganacsatadda dalka.


Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda deegaanka waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka C/naasir Axmed Xirsi.
Sidoo kale waxaa shirka joogay saraakiil ka socday haayadaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, ganacsato reer Somaliland ah iyo masuuliyiin kaloo ka tirsan wasaaradda deegaanka.


Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd sidii dib u eegis loogu samayn lahaa waxyaabaha ka hirgalay qorshaha horumarinta qaranka ee NDP11.
Gaar ahaana qodobadda la xidhiidha ilaalinta iyo horumarinta deegaanka.
Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga Facebook ee wasaaradda deegaanka Somaliland.


Waxaanu u dhignaa sidan, “Maanta waxaa ka dhacay xarunta wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, kulan ay wasaaradda, haayado caalamiya iyo ganacsato maxali ahi isugu yimaadeen”.
“Kulankaasi waxa uu daaranaa in dib u eegis lagu sameeyo qorshaha horumarka qaranka ee labaad (National development plan 2 NDPII) siiba qodobada deegaanka la xidhiidha.
Waxyaabihii la gaadhay 4-tii sano ee la soo dhaafay iyo caqabadaha ku gedaanaa”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY