Wasiirka Deegaanka oo Daah-furay Shirka Fulinta Qorshaha Tubta Yaraynta Dikhawga Hawadda

0
677

Hargeysa (HP): Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka furtay kulan lagaga arrinsanayo qorshaha fulinta tubta yaraynta Dikhawga Hawadda.

Kulan hawleedkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland, iyo haayada World Vision, oo metelaysay Dalladda ay ku midoobeen 8 haayadood.

Kuwaasoo magacoodda loo soo gaabiyo (SomReP), Dr. Amaal Cali, oo ka socotay haayadda AQN International, iyo Aqoonyahano ka socday shirkadda Bizra, saraakiil ka socday haayadaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socday wasaarradaha dawladda, iyo haayadda ka hor tagga aafooyinka dabiiciga ah, iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ee loo soo gaabiyo NADFOR.

Kulankan ayaa la filayaa inay ka soo bixi doonaan qorshaha iyo Tubta lagu hirgelinyo mashruuca yaraynta Dikhawga Hawada, iyo sidii faa’iido dhaqaale looga samayn lahaa Carbon-ka Hawadda lagu sii daayo.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo kulankaasi furtay ayaa ka warbixisay u jeedadda kulankani, iyo waxyaabaha la rejaynayo in ay ka soo baxaan.


Waxaanay sheegtay wasiirku in kulankani uu la xidhiidho qorshe ay dhawaan isla qaateen wadamo badan oo caalamka ah.

Kaasoo lagu qorsheeyay in wasakhda ay Hawadda ku sii daayaan wadamadda horumaray laga faa’iidayso, isla markaana wadamadda dhaqaalahoodu hooseeyo ay u siin lahaayeen dhaqaale mag-dhaw ah.

DAAWO: Hadalkii Wasiirka Ee Furitaanka Shirkaasi:

Hargeisa Preas.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here