Wasiirka Caafimaadka Oo Dhagax Dhigay Cusbitaal Laga Hirgelinayo Degmadda Dilla

0
580

Dilla (HP): Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadh), ayaa maanta dhagax dhigay cusbitaal cusub ee laga dhisi doono degmadda Dilla ee gobolka Awdal.
Waxaana cusbitaalkaasi maalgelinaysa haayadda waddaniga ah ee Camuud foundation, kaasoo loogu tallo galay in bulshadda degmadaasi ay ka faa’iidaystaan.
Bulshadda deegaanka Dilla ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhagax dhiga cusbitaalkani cusub, kaasoo ay sheegeen in uu wax badan ka dabooli doono helitaanka addeegyadda caafimaad ee ay baahida u qabeen.
Dhagax dhiga cusbitaalkaasi waxaa wasiirka caafimaadka ku wehelinayay badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbarro), isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal, maamulka degmadda Dilla, waxgaradka, aqoon yahanka, odayaasha iyo dadweyne kale.
Xasan Gaafaadhi, wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland haayadda Camuud Foundation uga mahad celiyay hirgelinta cusbitaalkaasi.
Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Caalin Tiimbarro, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay haayadda xamaliga ah ee Camuud Foundation mashaariicda kala duwan ee gobolka Awdal ka fuliso.

Dhinaca kale wasiirka caafimaadka Somaliland waxa uu isla maanta xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo ay isla haayadda Camuud foundation ka hirgeliyay deegaanka Geed-duqsi oo ka tirsan degmadda Dilla.
Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaana balan qaaday in sanadka soo socda uu shaqaalayn doono haweenaydda Umulisadda ah ee ka hawl gelaysa xaruntaasi caafimaad ee laga hirgeliyay deegaanka Geed-Duqsi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here