Nairobi (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Maxamuud Cige Yuusuf, ayaa waxaa uu magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gebogabeeyay kulanka lix biloodlaha ah ee lagu qiimeeyo Mashruuca SL-FSRP, kaasi oo uu Baanka Adduunku ka taageero Somaliland.
Kulankan is-xog-waraysiga ah oo ay qayb ka ahaayeen Guddiga xidhiidhinta Mashruuca SL-FSRP oo Baanka Adduunku ka taageero Somaliland, ayaa lagaga wadahadlay wixii u qabsoomey mashruuca SL-FSRP 6-dii bilood ee u dambeeyey iyo qorshaha 6-da bilood ee soo socda.
Shirka oo ka dhacey Hotelka Savora Pan Afric ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa khudbad mahadnaq ah ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland.
Waxaanu uga mahad-naqey Baanka Adduunka taageerada ay siiyaan Mashruuca FRSP, kaas oo ay wada fuliyaan wasaaradaha Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
Wasiirku waxa kale oo ka hadley muhiimadda ay leedahay in Baanka Adduunku uu si gaar ah ula shaqeeyo Somaliland, maaddama ay Somaliland tahay waddan nabad ah oo la soo kormeeri karo guud ahaan mashaariicda laga fuliyey.
Waxaa xusid in kulanka ay goob-joog ka ahaayeen Madaxda Baanka Adduunka ee Xafiiska Nairobi ee qaabilsan Mashruucan iyo Jeehye kim oo ah madaxa ugu sarraysa Mashruuca FSRP.