Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta hadimo sharafeed ku maamuusay weftigii ka socday Baarlamaanka dalka Ingiriiska ee booqashadda ku jooga Somaliland.
Weftigaasi oo uu hogaaminayey xildhibaan Gavin Williamson, kaasoo u dooda qadiyada iyo madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Casuumaddan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimey ayaa lagu qabtay Hotel Maansoor, casuumaddan waxaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, Taliyaha guud ee Ciidanka Qaran Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi.
Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha Maxamed Xuseen Hiirane, Taliyaha Ciidanka Asluubta Libaax, Taliyaha Ciidanka Socdaalka Maxamed Axmed Caalin, Taliye Ciidanka Dab-damiska, Safiirka Somaliland ee Dalka Ingiriiska Cabdi cabdilaahi, Xildhibaan Jamac Dubbe iyo saraakiil kale oo Xukuumadda ka socotay.
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa warbixin dheer siiyey weftigan, taasoo ku saabsanayd guud ahaan dalka Jamhuuriyada Somaliland, nabadgelyada buuxda ee Somaliland ka jirta, xaalada abaaraha iyo sii xoojinta xidhiidhka labada Dawladood ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Arrimahaasi ayaa saldhig u ahaa kulankii muhiimka ahaa ee dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, oo ay wehelinayeen Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo weftiga Xildhibaanada ah.
Ugu danbayn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidanka Qaran Nuux Ismaaciil Taani, ayaa gudoonsiiyey Weftiga Xildhibaanada ah Shahaado Sharafyo iyo Hadiyado kale oo muujinaya taariikhda qotada dheer ee Somaliland.
Guud ahaan kulankan iyo qado sharaftan ayaa ku soo dhammaaday is-faham buuxa, taasoo sii jooinaysa xidhiidhka labada Dawladood.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.